Muqdisho – (WARSOOR) – Gudoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Md. Maxaamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminaayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii.


Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa intii uusan ka soo dhoofin Magaalada Garoowe waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo sagootiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada.
Xigasho: SONNA