MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.