Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Xisbi mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa saaka ay ciidanka booliska ee saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay ka horjoogsdeen in uu bookhdo siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Weriye Cali Mahdi Jirbiil oo ah Suxufi ka hawlgala Tv-ga Kalsan,kuwaas ku xidhan saldhiga dhaxe ee Hargeysa.
Musharax C/raxmaan Cirro iyo masuuliyiinta la socotay ayaa loo diidey in ay bookhdaan labadaa maxbuus ee Xabisga ku xidhan, iyadoo ay ciidanka ilaalada saldhigo ka horr istageen guddoomiyaha iyo masuuliyiinta la soctay in ay fooda geliyaan saldhig, isla markaana ay bookhdaan sarkaalka ka tirsan ee Xisbiga WADDANI iyo Weriyahaasi,iyadoo ay askrta saldhigu ay qoryo dhuunta kaga qabteen guddoomiyaha,waxaan xusid mudan in uu guddoomiye cirro uu dib uga noqday saldhiga,isagoo hadda ku dukanaya salaada Jimcaha maasjidka ku yaala sarta ee dheer ee DAHABSHIIL ee DAMAL.
Dhanka kale ciidanka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeya ayaa xabsiga dhigay qaar kamid saxafiyiin la socotay guddomiye cirro iyo weliba gaadhigii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI c/raxmaan Maxamed C/laahi cirro ayaa saaka ay ciidanka booliska ee saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay u diideen in uu saldhiga ku bookhdo siyaasi Muniir Axmed Cigaal iyo Saxafi Cali Jibriil Xasan oo saldhigaasi ku xidhan,iyadoo ay ciidanka saldhigu guddoomiyaha ku fiiqeen qoryo,isla markaana ay dib uga celiyeen saldhiga,waxaana xusid mudan in uu Md Cirro dib uga laabtay.