Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare XFS oo Maanta kulmay

Muqdisho – (WARSOOR) – Gudiga joogtada golaha aqalka sare BFS ayaa Maanta yeeshay fadha 3aad kulankiisa 7aad, waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS , Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Fadhiga ayaa waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid tahay wada hadallada ka socda Dhuusa Mareeb.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir bukhaari ) ayaa kulanka ka dib saxaafadda u sheegay in ay ku bogaadinayaan Galmudug Gogosha nabadeed ee ay u fidiyeen Ummada Soomaaliyeed , halkaas oo ay uga hadlayaan aayahooda.

Mudane, Bukhaari ayaa mas’uuliyiinta shirka ka qayb galaysa ugu baaqay in ay ka mira dhaliyaan waxyaabaha ay ka wada hadlayaan iyo wixii shirka kasoo baxa.