Muqdisho – (warsoor) – Guddiga doorashooyinka dadban ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay Doorashada ka socotay magaalada Muqdisho ee xubnaha Aqalka Hoose ee Goballada Waqooyi.
Maxamed Kaynaan oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in doorashada la hakiyay.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inuu jiro Khilaaf inta laga xalinayana Doorashada ay ku jiri doonto hakad.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dooranayaa Xubnaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee ka soo galaya golayaasha Qaranka goballada Waqooyi ee dalka.
Soomaaliya ayaa galaysa Marxalad cusub waxaana la dooranayaa dhowaan Madaxda Sare ee dalka, sida Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xigasho: sonna