Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Shirkadaha Fulin Doona Mashaariicda Laba Dhaam Biyood

HARGEYSA – (WARSOOR) โ€“ Gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in labadaa dhaam oo mid ka mid ah laga qodaayo degaanka Goโ€™da wayn ee gobolka Saaxil oo ay ku soo tartameen 8 shirkadood, waxaana ku guulaysatay shirkada Amisoma, iyadoo dhaamka labaad oo laga qodaayo degaanka Sheekh Moodhle ee gobolka Maroodi-jeex, ay ku soo tartameen 11 ay ku guulaysatay shirkada Cali Construction Company.

Gudoomiye Nuux Maxamed wuxuu shirkadaha ku guuleystay qodida labadaas dhaam uu u soo jeediyay in ay qodaan dhaamam tayo leh, iyagoo raacay qorshaha ay wasaaradda horumarinta biyuhu u dhigeen qodida dhaamamkaas, waxaanuu xusay in guddida qadaraasyaduna ay ku daba gali doonto shirkadahaasi sida ay mashaariicdaas u fulinayaan.

Ugu dambay qaar ka mida shirkadihii guuleystay ayaa sheegay inay mashaariicdaas ku fulin doonaan xiligii loo qorsheeyay, halka shirkadihii laga guuleystayna ay u hambalyeeyeen labada shirkadoood ee ku guuleystay hirgelinta labadaa dhaam.