Guddida Gacanta Ku Haysa Wadada Isku Xidha Hargeysa, Salaxley Iyo Ina Guuxaa Oo Deeq Lacag Ah La Wareegtay

Hargeysa – (warsoor) – Guddida gacanta ku haysa wadada isku xidhaysa Hargeysa ,Salaxley iyo Ina Guuxaa ayaa guddoomey lacag ay soo bixiyeen dhalinyaradda reer Somaliland ee ku nool wadanka Qadar, lacagtaas oo loogu talo galay in dhismaha wadadaas lagaga qayb qaato.

Munaasibada Deeqdan lacageed lagu wareejinaayey waxa goob joog ka ahaa xubno kamid ah guddida dhismaha wadada Cad ee Hargeysa, Salaxley iyo Ina Guuxaa iyo sidoo kale masuuliyiin loo soo wakiishay wareejinta deeqdaasi,waxaanay deeqdan lacageed dhammayd 9,000 oo Dollar.

Waxa wareejinta lacagtan ugu horeyn ka hadlay Eng Cabaas Ibraahim Cismaan oo ay usoo wakiisheen dhalinyaradda deeqdan lacageed ugu deeqday jidka Wadada cad ee isku xidha Hargeysa, Salaxley iyo Ina Guuxaa,waxaanu tilmaamay Eng Cabaas in dhalinyaraddani ay hore u balan qaadeen in ay lacagtaas soo diraan laakiin ay xanibeen waqtiga oo adkaaday iyo xanuunka Covid-19.

Geesta kale waxa iyaguna goobta ka hadlay Eng Cabdirisaaq Wiiwaa, Sheekh Shabcaan Cabdilaahi, Suldaan Cismaan Baane iyo sidoo kale Sheekh Maxamed Cali Geedi, waxaanay ka warameen deeqdan lacageed iyo doorka ay ka qaadan doonto dhismaha wadada Cad, iyaga oo uga mahadceliyey una duceeyey dhalinyaraddaasi lacagta ay wadadaas ugu deeqeen, waxaanay ugu baaqeen shacabka reer Somaliland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada Cad oo dhismaheedu hadda meel wanaagsan maraayo.

Waxa ay sidoo kale xubnahan guddida ahi sheegeen in arrintani tahay midhaha dhalinyaradda reer Somaliland ee dalka Qatar, waxaanay tilmaameen inay jaaliyadda reer Somaliland ee hore dalkaasi ugu sugnaydna ay qayboodii ka sugayaan.