Hargeysa – (warsoor) – Fadhigii maanta ee golaha wasiiradda Somaliland ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda dawladda ee sanadda 2017. Fadhigan oo maanta ka qabsoomay qasriga madaxtooyadda.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulan oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen-dayr) ayaa u dhignaa sidan:
“Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.
Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.
Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.
Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:
No | Hay’ada | SLSH | Dollar |
1 | Dawladda Dhexe | 1,553,204,022,280 | 258,867,337 |
2 | Hay’adaha Madaxa-banaan | 303,338,532,125 | 50,556,422 |
3 | Dawladaha Hoose | 208,570,347,257 | 34,761,725 |
4 | Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah | 97,268,562,000 | 16,211,427 |
5 | Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta | 12,722,892,000 | 2,120,482 |
Grand Total | 2,175,104,355,662 | 362,517,393 |
Halkan ka daawo shir jaraa’id oo uu wasiirka warfaafinta Somaliland ku qabtay qasriga madaxtooyadda:
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.”