Golaha Wakiillada JSL Oo Ansixiyey Ajandaha Kalfadhigooda 43-aad

Hargeysa – (warsoor) – Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyey ajandaha kalfadhigooda saddex iyo afartanaad ee ay ku shaqayn doonaan.

Fadhigan oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha golaha wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxay mudanayaashu cod gacan taag ah u qaadeen ajandaha kalfadhigooda saddex afartanaad.

markii ay codayntu dhamaatay waxa natiijada codqaadista si rasmi ah ugu dhawaaqay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faraax, waxana ogolaaday afar iyo afartan xildhibaan, halka ay ka aamuseen laba mudane cid diidayna may jirin guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxay ajandaha kalfadhiga saddex iyo afartanaad ee golaha wakiillada Somaliland.