Hargeysa – (warsoor) – Golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay ku ansixiyey xubno ka mid ah Golaha wasiiradda iyo madaxda haydaha madaxa banaan oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay.
Fadhigan maanta oo ay ka soo qayb-galeen 50 xildhibaan waxana shir gudoominaayey gudoomiyaha Golaha wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Golaha ayaa mid mid u dhagaystay qudbaddo ay masuuliyiinta maanta la ansixinaayey ay ka hor jeediyeen golaha, masuuliyiinta ayaa markii ay dhamaysteen qudbadahooda waxaa shir gudoonku codsaday in loo codeeyo.
Golaha wakiiladda ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, wasiirka Duulista Hawadda, Wasiirku xigeenka wasaaradda cadaaladda, gudoomiyaha hayadda shaqaalaha Qaranka iyo masuuliyiin kale.