Hargeysa – (warsoor) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxay codka kalsoonida baarlamaanka ku siiyeen wasiiru Dawlaha Qorshaynta Qaranka oo uu dhawaan madaxweynuhu Soo magacabay.
Fadhigan maanta ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Md. Baashe Maxamuud Faarax waxaana soo xaadiray 42 xildhibaan. Gudoomiyaha ayaa golaha ka dalbaday in la dhagaysto taariikh nololeedka wasiiru dawlaha ka dibna cod loo qaado.

Gudoomiyaha ayaa markii ay dhamaatay tirintiidii codadka waxaa uu ku dhawaaqay natiijadii codadka waxaanu yidhi, “42 xildhibaan baa fadhiya, 40 xildhibaan waxay ansixiyeen Maxamud Aadan Jaamac Galaal way ansixiyeen, hal xidhibaan waa diiday, ciddi ka aamusin, gudoomiyuhuna muu codayn, wasiiru dawluhu sidaasu ansax ku yahay”.
Wasiiru Dawlaha Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Maxamuud Aadan Jaamac Galaal ayaa laga bilaabo maanta si rasmi ah u noqon doonta wasiiru dawlaha sharciga ah ee Wasaaradda Qorshaynta.