HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 4aad ee kalfadhiga 83aad ee Golaha Guurtidda JSL oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtidda JSL mudane Suleymaan Maxamuud Aadan waxaa mudanayaasha Golaha loo qaybiyay warbixinta Guddida Joogtada ee Golaha Guurtidda, isla markaana waxaa ay mudanayaashu dood ka yeesheen qodobka Nabad Gelyada iyo Horumarinteeda.