Golaha Ammaanka oo u codeeyey in la joojiyo dagaalka Sudan

SUDAN – (WARSOOR) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Jimcihii qaraar ku baaqaya in xabadda la joojiyo dalka Sudan, halkaasi oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu toddobaadkan ka digay in mushkiladda bani’aadanimo ay dalkaasi gaartay meel halis ah.