In si ballaadhan loo soo dhoweeyo dadka madaarrada ka soo degaa waa arrin innagu cusub, laakiin aad u soo noqnoqotay waayadii ugu dambeeyay. Maanta, soo-dhoweyntu waxay ka mid tahay shaqooyinka ugu xaamisan ee dalka ka jira. Waxa la ii sheegay inuu jiro xafiis kireeya dadka soo-dhoweeyayaasha ah oo qofkii ba maalintaa la siiyo lacag u dhiganta $10, ma se hubo inta uu warkaasi xaqiiqo yahay. Dadka la kireeyo ama aan la kirayn ee soo-dhoweeyayaasha ah waxa lagu soo qaadaa basas iyo baabuur kale oo yaryar, calammo iyo istiikarro ayaa loo dhiibaa, dabadeedna iyaga oo qaylinaya oo xamaasad muujinaya ayaa laamiyada Hargeysa lagu soo wareejiyaa. Berigii hore shaqadaasi dhawrkii sannaba mar bay soo bixi jirtay, laakiin beryahan dambe aad ayay u soo xoogaysatay.
Qiyamtii bulsheed ee suubbanayd ayaa si aan la dhaaddanayn u burburay, waxaana soo ifbaxay qiimeyaal bulsheed oo hunguri iyo xishood-darro salka ku haya. Badiba dadka la soo dhoweeyaa iyaga ayaa abaabusha oo dalbada in la soo dhoweeyo. Iyaga ayaa sidoo kale kharashka bixiya (inta badan hantida qaranka ayaa waxaa lagu baabiiyaa). Dadkaa la soo dhoweeyaa wax alla iyo wax guulo ah oo ay ummadda ku soo kordhiyeen ma jirto. Waa uun xanuun nafsi ah oo ku dhaca qofkaa jantay in la soo dhoweeyo oo durbaanno loo garaaco. Mararka qaarkood ayaa waxa la soo dhoweynayaa qof aanad weligaa magaciisa maqal. Waa mid tahriibay oo waxoogay soo xamaalshay, deetana raba in durbaanno macno la’aan ah loo garaaco, loo yara jaaso, oo waxoogay sheekada laga guro.
In badan oo ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha u doolay waxa ku dhacay xanuunno hor leh, ugub ah ama aan Soomaalidu si caam ah iskula aqoonnin. Xanuunnadaasi waa kuwo ku dhaca nafta aadamaha, waxaana ka mid ah xanuunka Is-waaga, oo sababa in qofku xaalad kasta ka dhex raadiyo jiritaankiisii qofnimo iyo is-ahaantiisii qofeed. Xanuunkani waa cillad nafsaani ah oo si taban ula falgasha hab-fikirka qofka. Waxa ay saamayn ku yeelataa sida uu qofku u arko xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dadka kale iyo sida uu isagu isku arko (sida uu naftiisa u arko) labadaba. Muddo kadibna waxa uu qofku isku qanciyaa in uu ka sarreeyo sida ay dadku u arkaan ama in aanay bulshadu siinnin qaddarin u qalanta qiimihiisa qofeed. Taas ayaa aakhirka keenta in uu ku kaco ficillo uu isku muujinayo ama falal degdeg ah oo uu isku boobayo.
Caadadan oo muddooyinkii u dambeeyayba isa soo taraysay, waxay caqabad weyn ku ahayd habsami-u-socodka hawlaha kala duwan ee xafiisyada dawladda iyo, laba daraale; hawl-maalmeedka madaarrada dalka. Waxay ahayd shaqo aad u liidata oo aan si dhab ah loo garan karin wax macne leh oo ku dhex jira, marka laga reebo, in nafsaddu u qabawdo qofka aawadii waxan oo hawl ah loo galay. Waxay ahayd wakhti, tamar iyo kharash aad u badan oo ku lumi jiray macne-la’aan. Waxa kale oo ay astaan u ahayd shaqo-la’aanta baahsan ee dalka jirta. Siyaalaha qaarkoodna waxaabay ahayd shaqo-abuur bilaa macne ah.
Waxaan aad u bogaadinayaa go’aanka cuddoon ee ay maamulka Wasaaradda Duulista ee Somaliland ku mamnuuceen soo-dhoweynta iyo sii-dhoweynta dadka ka soo dega ama ka dhoofa madaarrada dalka. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in la joojiyo ardayda yaryar ee xilliyada soo-dhoweyntu jirto dugsiyadooda laga soo saaro, laamiyadana la soo tubo. Arrintaasi waa masuuliyad-darro iyo garasho-la’aan. Ardayda waalidkii dhalay waxa uu u soo ambabixiyay in waxsan la soo baro, laakiin in bacadka la tubo oo saacado dhan ay qof soo degaya u taagnaadaan looma soo dirsan. Taasi waa duruusta laga barto Diktaytarka, waana dadnimo-darro iyo caqli-xumo tii ugu hoosaysay. Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale ee ku shaqada lihi waa inay arrintaa ka soo saaraan go’aammo la mid ah kuwa ay Wasaaradda Duulistu ku dhiirratay.
Maxamed Saleebaan Cumar
Email: halabuur@hotmail.com
Facebook: Mohammed Suleiman
Hargeisa, Somaliland.