Dr Mashali: dhaqtarkii masaakiinta caawin jirey oo geeriyooday

Masar – (warsoor) – Waxaa maanta dalka Masar ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Mashali oo ahaa dhaqtar dadka masaakiinta ah aad u caawin jirey una adeegi jirey muddo 50 sano ah.

Dr Mashali waxbarashadiisi Jaamacadda dalkiisa hooyo ee Masar ayuu ku dhamaystay gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka qeybta Dhaqtarnimada Sannadki 1967-kiii, waxa uu ahaa mid u qidmeeya dadkiisa, Waalidkiis gaar ahaan aabihii ayaa kula dardaarmay in uu u adeego dadka masaakiinta ah waqtigiisa inta ugu badan!

Mar uu ka sheekeeyay xaaladihi ugu xanuunka badnaa ee ku kallifay In uu dadka masaakiinta ah ugu adeego si bilaash ah, qofkii wax u garto maahane, uusan waxba qof waydiisan isaga, ayaa waxuu yiri;

“Waxaa aad iiga ooysiisa marka aan xasuusto qisada cunug yar oo ku xanuusanaaya mid kamid ah Isbitaallada ku dhax yaalla xaafadaha fuqarada, kaas oo qaba xanuunka Sonkorta, isagoo hooyadii weydiisanaaya in ay usoo iibiso INSULIN, iyaduna ku leedahay, haddii aan kuusoo iibiyo INSULIN ta adiga, walaalladaa kaa yar yar ma helaayaan wax cunno loogu iibiyo”!

Maalinkaa kadib ayuu leeyahay waxa aan go’aansaday in aan masaakiinta si bilaash ah ugu shaqeeyo isla markaana fuliyo dar daarankii aabahay!

Dr Maxamed Mashali mar lagu wareysanayay barnaamijka قلبي اطمأن oo ururka Bisha Cas ay kusoo booqdeen xaruntiisa uu ugu adeego masaakiinta si loogu yabooho dhaqaalo, looguna dhiso xarun caafimaad oo ka waasacsan midda uu ku jiro, taas oo leh adeegyo fara badan oo isaga iyo bulshadaba saaciddo, waxa uu Dr Mashali yiri; “Waxa aan ka cabsanaayaa ama ka baqayaa in dadka lacagta leh ay ku ciriiriyaan masaakiinta, marka la qurxiyo goobteyda Caafimaad, si middaa u dhicinna, inta aan ka dhimanaayo ama ka geeriyoonayo halkan ayaan ugu adeegi doonaa dadka fuqarada ah Insha allah, ee wixi aad isiin rabteen siiya masaakiinta.

Eebbe wayne raxmad waasac ah ha siiyo دكتور محمد مشالي waxa uu geeriyooday subaxnimadi hore ee maanta, waxaana Janaasadiisa lagu tukan doonaa isla Duhurka maanta ah magaalada “Baxiira”! Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Aisha Haji Abdalla