Sacuudi Carabiya – (warsoor) – Afar iyo Toban Ruux oo shacab ah kana mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gobollada dalka oo Xaaladooda Caafimaad dalka wax looga qaban waayey ayaa dalka Dibaddiisa loo qaaday Maanta.
Guddi uu u xilsaaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo Xulay dadkan kuwaas oo ku jiray qaar kamida Cuspitaalada Magaalada Muqdisho.
Dadka la qaaday oo qabay dhaawacyo halis ah oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay ayaa loo duuliyay dalka sacuudiga si loo soo daweeyo.
Agaasimaha Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yuusuf Oo xubin ka ah guddiga uu Ra’iisul wasaare Kheyre u xilsaaray soo xulista Bukaannada ayaa sheegay in Dadkan xaaladooda Dalka waxba looga qaban waayey sidaasna ay ka liftay in Dalka dibaddiisa loo qaado.
Dhanka kale Dr Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in dhawaan laga kaaftoomayo in Dhaawacyada Halista ah Dalka Gudahiisa wax looga qaban waayo iyada oo la-keenayo Qalab Casri ah taana ay garab ku siineyso Dowladda Soomaaliya.
Xasan Aadan Maxamed iyo Abuukar Cabdi Warsame waxaa ay kamid yihiin Dadka loo qaadayo dalka Sacuudiga si-loogu soo daweeyo waxaana ay siweyn ugu Mahadceliyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaayo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo dadkan Soomaaliyeed ee dhaawacyada Halista ah qaba ee dalkeeda loo qaaday ayaa kamid ah Dowladdaha sida weyn Saaxiibka u la’ah Dowladda Soomaaliya waxaana ilaa iyo dhowr jeer oo hore Dalkaas loogu qaaday Askar iyo Dad kale oo Xaaladooda Caafimad Muqdisho wax looga qaban waayey.
Xigasho: SONNA