Dowladda Soomaaliya oo daawo iyo qalab caafimaad gaadhsiisay kismaayo

Kismaayo – (warsoor) – Wafdi ka socda Xafiiska R/wasaaraha XFS oo siday daawooyin  iyo qalab kale oo loogu talagalay ka hortagga caabuqa Covid19 , ayaa gaaray Magaalada kismaanyo oo xarun u ah dowlad Goboleedka  J/land.

Wafdigan oo ay garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen qaar ka mid ah maamulka dowlad goboleedka iyo kuwa caafimaadka,waxaa  qeyb ka ahaa xubno loogu talagalay in ay soo darsaan baahiyaha caafimaad ee ka jira,halkaasi iyo la socodka  xarumaha loo diyaariyay in lagu daryeelo dadka caabuqu oo so rito.

Maamulka jubbland ayaa noqonaya kii afraad ee deeq ceynkaan oo kala ah ka hela xafiiska Madaxa Xukuumad soomaaliya oo kal hore u balan qaaday maamulada gobolada in la siin doono wixii agab caafimaad ah oo lagu xakameynaayo   covid19 .