Dowladda Fadaraalka Oo Saraakiil Ciidan U Dirtay Magaalada Kismaayo

KISMAANYO – (WARSOOR) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Galabta gaaray Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB GaashaanleAxmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare), iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ururka 5aad ee Kumaandooska Danab oo ugu horeeyo taliyaha Ururka 5naad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB GaashaanleAxmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare) ayaa bogoodiyay shaqada adag ee Ururka 5aad ka haayo deegaanada Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago Saldhigyada Ciidamada DANAB ee degaannada Gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ay wadaan.