Hirshabeelle – (warsoor) – Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo xigenkiisa ayaa maanta lagu wadaa in ay khudbad u jeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.
Qaban qaabada munaasabada hadal jeedinta ayaa haatan waxaa ay ka soconaysaa magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.
Guddiga Doorashada ayaa shalay diiwaan-galiyay musharixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya oo kala ah Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenna ay isku soo taageen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]
11 bishan November, oo ku beggan maalinta Arbacada ee toddobaadkan aynu ku jirno ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.