Degmadda Balli Cabane gobolka Hawd ayaa laga Daah Furay Diiwaan Gelinta

HARGEYSA – (WARSOOR) – Codbixiyayaasha.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman oo ay wehelinayaan Badhasaabka Gobolka Hawd Mudane Ahmed Yasin Mohamed iyo Badhasaab Xigeenka Gobolka Hawd mudane Khadar Muse Ahmed ayaa Degmadda Balli Cabane ka Daah Furay wacyi gelinta Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha dalka oo 28 ka December 2022 guud ahaan dalka iyo Degmadda Balli Cabane ba ka bilaabmi doonta.Degmadda Balli Cabane waa Degmo Taariikhi ah oo kaalin weyn kaga suntan halgankii dib u xoraynta dalka. Waa xarun ka mid ah xarumihii lagu tabobaray mujaahidiintii xoreynta dalka.