Abu Dabia(warsoor)–Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Madaxda ugu Sareeyso Wadanka Imaaraadka.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kala hadli doono xoojinta Xidhiidhka labada dal iyo sidii ay labada dal iskaaga kaashan lahaayeen dhinac amniga, dhaqaalaha ,iyo dhanka arimaha Bulshadda.
Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo oo shalay gaadhay Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey dalkaasi.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay saameyn xoog leh ku yeelaneysay Soomaaliya, waxaana shirkad dalkaasi laga leeyahay ee DPWorld si buuxda ula wareegtay Dekadda Boosaso, waxa dhinaca kale ay Emaaradku hashiish la gashay xukumadda jamuuriyada somaliland xahiish dhan muddo 30 sano ah dekadda Berbera iyo saldhiga military base ah .
.