Dawladda Itoobiya oo Shaacisay in Heshiiska ay la gashay Somaliland bog cusub u furayo Geeska Afrika

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Gaadiidka iyo Tasiilaadka dawladda Federaalka Itoobiya, Alemu Sima, ayaa sheegay in heshiiskii is faham ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid bog cusub u furaya isku xidhka mandaqada Geeska Afrika.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Alamu Sima wuxuu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlayay Barlamaanka dalka Itoobiya oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in heshiiskaasi yahay mid sax ah oo muhiimad weyn u leh mandaqada.

Alemu Sima wuxuu intaas ku daray in heshiiska ay isla gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya uu yahay mid kaalin ka qaadanaya iskuxidhka geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Rsysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa 1dii bishii January ee sannadkan kala saxeexday heshiis is fahan oo dhammaystirkiisii xiligan gabogabo yahay, kaasi oo ku wajahan in JSL ay 20km oo saldhig millatari ah ka kirayso Itoobiya, iyadoo Itoobiyana noqon doonta dalka koowaad ee ku dhawaaqa aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.