Hargeysa – (warsoor) – Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysaย ayaaย banaysay qaar kamid ah waddooyin xidhan ee ย xaafadda Sheedahaย ee degmada Ibrahim Koodbuur.
Iyadoo uu Meeyarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid uu amar ku bixiyey in waddooyinka xidhan ee xaafada Sheedaha lagu qaado Olale balaadhan oo wado baneyn ah, iyadoo hawshaas ay fuliyeen Shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Ibrahim Koodbuur Naasir Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay inay fureen wadooyinkii xidhnaa ee xaafada Sheedaha ee magaalada Hargeysa taas oo dadka shacabka ahi dhibaato ku qabeen.
Bulshada ku dhaqan xaafada Sheedaha ayaa u mahadnaqay meeyarka caasimadda iyo maamulka degmada Ibraahim Koodbuur oo hawshaa fulinayey.