Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Boqol Iyo Afartan Guri Kala Wareegtay Hay’adda UNHCR

Hargeysa (warsoor)- Dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa maanta hay’adda UNCHR kala wareegtay boqol iyo afartan guri, kuwaas oo loo dhisay dad danyar ah.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Saaxil Cabdisalaan Xarriir Sheekh Cismaan, waxaana goobtaas hadal ka jeediyay xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, oo sheegay in mashruucaasi dabo-socdo mashruuc noocan oo kale ah oo dawlada hoose ee degmadaasi guryo ugu wareejisay boqol iyo lixdan qoys oo danyar ah, kuwaas oo la siiyay adeegyo kale oo caafimaad, xoghayuhu wuxuu intaas ku daray in boqol iyo afartan qoysna ay yihiin qaybtii labaad ee dad danyar ah, oo dawladda hoose ee degmada Berberi ay u qorshaysay inay guryo ku wareejiso.

Masuul ka socday hay’adda UNHCR ayaa sheegay in ay wada shaqayn fiican ay leeyihiin dawlada hoose ee degmada Berbera iyo maamulka gobolka Saaxil, waxaanu intaas raaciyay inay sii wadayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan ayaa sheegay in guryahaas ay si cadaalad ah ugu qaybin doonaan dadka danyarta ah ee loogu talo galay guryahaas, waxaanay sheegeen in ay guryahaasi kaalin ka qaadan doonaan dedaalada horumarinta bulshada danyarta ah ee ay ku hawlan yihiin.