Dawladda Ethiopia oo Si Adag uga Hadashay Xaaladda Ammaanka ee Geeska Afrika

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Dawladda Ethiopia ayaa Arbacadi shalay si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan walaac ay sheegtay in ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midawga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee loo soo gaabsho ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin, halista ka iman karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka.

Haddaba muxuu ka dhiganyahay hadalkaasi adkaa ee shalay kasoo baxay Dowladda Itoobiya? su’aashaasi iyo kuwo kalaba ayay Sahra Cabdi Axmed weydiisay, Cabdigafar Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamka, kuna nool gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka.