Maraykanka – (warsoor) – Dadweynaha Maraykanka ayaa maanta go’aamin doona midka uu noqon doono madaxweynaha 45aad ee Maraykanka. Maaliyiin qof ayaa maanta oo Saalasa ah cododkooda ka dhiibtay goobaha codbixinta.

Doorashadan oo ay si weyn ay ugu loolamayeenย Hillary Clinton oo 69 jir ah iyo Donald Trump oo 70 jir ah.
Afti ay qaaday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay labada musharax ay isku dhow yihiin codadka, Hillar clinton ayaana ku horaysa saddex god.
435 kursi ee lagu loolamayaa ayaa ilaa hadda waxaa la saadaaliyey inay Hillary ay ku guulaysan doonto 303 kursi, halka Donald Trump la sheegaayo inuu cagcagaynaayo 230.
Labada Gobol ee Florida iyo Carolina ayaa si weyn diiradda loogu hayaa, waxaana cidda ku guulaysata kuraasta labadan gobol uu noqon doonaa madaxweynaha Maraykanka ee 45aad.
Goobaha doorashadda ee dalka Maraykanka ayaa la xidhay, waxaana la bilaabay in la tiriyo codadka ay kala heleen labada Musharax.