Dad badan oo ka qaxaya Gaza xilli Israel isku diyaarineyso dagaal dhulka ah

GAZA – (WARSOOR) – Kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa Sabtida maanta ah ka cararaya waqooyiga Marinka Gaza ka dib markii Israa’iil ay diginin ku siisay in ay aaggaasi ka guuraan ka hor duullaan dhulka ah oo la filayo in ay ku qaadaan Xamaas, toddobaad kadib weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israa’iil.

Weerarka Xamaas ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 1,300 oo qof, isagoo dhaliyay in olole ba’an oo aargoosi ah ay Israa’iil ku qaaddo Gaza kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 2,200.

Waxaa sii kordhaya qeylo-dhaanta masiirka dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku xanniban magaalada go’doonsan ee hareereysan ee Gaza – oo ah mid ka mid ah meelaha ugu dadka badan caalamka, oo ay ku nool yihiin 2.4 milyan oo qof. Walaaca ayaana la xiriira waxa ka dhalan kara haddii ciidamada dhulka ay magaalada galaan, islamarkaana dagaalku isku bedelo mid xooggan oo gudaha magaalada guri guri uga dhaca.

Xaaladda Gaza waxa ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee khatar ah,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, “Xitaa dagaalladu waxa ay leeyihiin sharciyo,” ayuu ku daray isaga oo ku nuux-nuuxsaday “in dadka rayidka ah ay tahay in la ilaaliyo oo aan sidoo kale loo isticmaalin gaashaan”.

Israa’iil oo wacad ku martay in ay burburinayso Xamaas, ayaa ciidamo badan oo dhulka ah iyo taangiyo ku hareeraysay Gaza, waxayna woqooyiga Gaza ku daadisay waraaqo loogu sheegayo dadka rayidka ah in ay cararaan. Ciidamada ayaa sidoo kale qaaday weeraro “maxalli ah” oo ay ciidamadu ku tilmaameen kuwa ay aagga uga sifeeyaan “argagixisada iyo hubka.”

Howlgallada ayay ciidamada Israa’iil sheegeen in ay sidoo kale ku doonayeen in ay ku ogaadaan halka lagu hayo dadkii ay afduubatay Xamaas kuwaasi oo lagu qiyaasayo 150 qof.