Ciidanka Badda Greece oo lagu eedeeyay dilka 40 muhaajiriin ah

ATHENS – (WARSOOR) -Baaritaan ay BBC-da sameeyay ayaa lagu ogaaday in ciidamada ilaalada xeebaha Giriigga ay mas’uul ka yihiin dhimashada in ka badan 40 qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo bareer ah loogu qasbay in ay badda dib ugu laabtaan, kaddib marki ay gaareen xeebaha Giriigga.

Dhacdooyinka dadkaasi lagu garraqay ayaa ahaa 15 dhacdo oo kulligoodba ka dhacay badda meditareeniyaanka, muddo saddex sano ah.

Sida ku cad warbixinta, sagaal qof oo ka mid ah afarta la xaqiijiyay, ayaa “si ula kac ah loogu tuuray” badda. Dadkaas iyo muhaajiriinta kale ayaa lagu qasbay in ay ka baxaan dhul-badeedka Giriigga ama dib looga celiyay jasiiradaha Giriigga kaddib marki ay doonyo ku gaareen. 

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay. BBC ayaa sheegtay in meelaha ay ilo wareedka ay ka heleen ay ku jiraan NGO-yo, ilaalada xeebaha Turkiga, warbaahinta maxalliga ah iyo goobjoogayaal.

Muhaajiriinta ka timaada Africa iyo Asiya ayaa inta badan u sii mara Yurub xeebaha Giriiga si ay nolol wanaagsan uga raadsadaan dalalka ku jira Midowga Yurub.