Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada Nabbad sugidda iyo Sirdoonka qaranka ayaa la wareegay labo garaash oo ku yaala agagaarka xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa baaritaan ka sameeyay garaashyadaasi oo la tuhmayo in qarax lagula xiray mid ka mid ah gaadiidka hay’adda UNDP leedahay, kaasi oo saaka ku qarxay agagaarka xarunta Hay’adda.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay sagaal ruux oo la tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.
Baaritaanka ayaa bilowday waaberigii saaka markii uu qarxay gaari hay’adda leedahay, kaasi oo xalay la dhigay mid kamid ah garaashyada lala wareegay.
Qaraxaasi ayaa sababay dhaawac afar kamid ah shaqaalaha hay’adda.
Hay’adda UNDP oo mashaariicda horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa howlo badan ka heysa Soomaaliya, iyadoo ka qeyb qaadata bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda qaar.
Xigasho: Jowhar