KISMAANYO – (WARSOOR) – Hawl-gal qorysheysan oo ay ciidamada maamul goboleedka Jubbaland ka fuliyeen magaaladda Kismaanyo ayaa lagu dilay afar ka mid ah Alshabaabta ka hawl-gasha Kismaanyo sida ay xaqiijiyey afhayeenka ciidamada amniga ee Jubbaland.

Ciidamadda Jubbaland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigay qoryo ay wateen ragga la khaarajiyey deegaanka Yaaq Bishaaro oo ku yaala dhinaca galbeed ee magaalada Kismaayo.
Ciimada maamul goboleedka Jubbland ayaa maalmahan wadday hawlgal ay ku sugayaan amaanka oo ay ku beegsanayaa xubnaha Al-shabaab ee ka hawl-gala deegaanka maamulku ka taliyo.