Boosaaso – (warsoor) – Ciidamada Amaanka Puntland ayaa ka jawaabay rag ku hubaysan Baatoolado iyo Waxlaha qarxa kuwaasi oo rasaas ku furay ciidamo hawl-galo ku jiray oo dhex maraayey magaaladda Boosaaso.
Ciidamada ayaan toogasho ku dilay mid ka mid ah nimankii rasaasta ku soo furay, waxaanay gacanta ku dhigeen mid kale. Ciidamada ayaa gaadhiga ay wateen nimankan dambaylada ee hubaysani laga helay Rasaasta baaskooladaha, rasaasta AK47, fiilooyinka iyo qalabka wax lagu qarxiyo, boshqadaha rasaasta lagu qaato iyo walxo kale.
Ciidamada Amaanka iyo maamulka Puntland ayaa ciidamada Puntland ku amaanay hawl-galka ay ku fashiliyeen qorshihii damblaydu ay damacsanaayeen inay weerar ismiidaamin ah ka fuliyaan magaaladda Boosaaso.
