Cabsi laga qabo in Ruushku uu ka baxo heshiiska mamnuucidda tijaabada Nukliyeerka

WASHINGTON – (WARSOOR)- Ruushka ayaa ka fiirsanaya inuu ka baxo heshiiskii mamnuucayay tijaabada hubka nukliyeerka, taaso ah walaac weyn oo uu ku doonayo inuu ku niyad jabiyo reer galbeedka, si ay u joojiyaan taageerada militari ee ay siiyaan Ukraine.

Mareykanka ayaa sheegay in dowlad kasta oo qaadda tallaabada noocaas ah ay khatar gelineyso waxa uu ugu yeeray hab-dhaqanka caalami ee ka dhanka ah tijaabinta walxaha qarxa ee Nukliyeerka.