Doha – (WARSOOR) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta la kulmay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
Kulankan waxa uu qayb ka ahaa socdaal uu Blinken ku marayo gobolka, kaas oo uu diiradda ku saaray wadahadallo lagu soo afjarayo colaadaha Marinka Gaza iyo Lubnaan.