Barlamaanka Puntland oo Wadda Mooshin Xilka Qaadisa ah

Puntllan – (warsoor) – Kadib markii gelinkii hore ee shalay uu soo baxay, warka sheegaya in ay xildhibaanno badan saxiixeen mooshinka la doonayo, in xilka looga qaado labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Puntland, ayaa waxa durbadiiba bilowday dadaal xooggan oo madaxtooyada Puntland iyo Guddoonka Baarlamanku ugu jiraan sidii mar kale loo furfuri-lahaa xildhibaannada wada mooshinka.

Madaxweyne Deni, oo Taleefon soo diray isagoo jooga magaalada Dubai, ayaa xildhibaannada mooshinka wada ka codsaday in ay mooshinka hakiyaan inta uu ka imaanayo, isagoo ku wargeliyay in uu safarkiisa soo gaabinayo, islamarkaana  Isniinta Garoowe imaanayo.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa isla shalay mudanayaasha isgu’gu yeeray kulan deg deg ah oo lagu deminayo mooshinka, kaas oo wakhtigii Qadada ka qabsoomay beer ku taalla dhanka bari ee caasimadda Garoowe.

Kulanka waxa ka qayb-galay in ka badan 40 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland waxaana mudanayaasha laga dalbaday in ciddii mooshinka ku jirta ay ka baxdo, si looga baaqsado in qalalaase siyaasadeed ka dhaco gudaha Baarlamanka.

Mudane diiday magaciisa wuxu Puntland Post u sheegay in isagu shakhsi ahaan uu ka laabtay mooshinka, islamarkaana uu ka war-sugayo Madaxweyne Deni, oo dhowaan sooryayn doona xildhibaannada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin sooryadaas.

Kulankii shalay, waxa laga sheegay in uu buray mooshinku, waxaana xildhibaannada lagu war-geliyay in ay soo xaadiraan Kulanka maanta oo Isniin ah, kaas oo Ajandihiisu yahay Xeerka Isgaarsiinta Puntland. Sidoo kale, waxa dib u dhac kooban ku yimid safarka Madaxweyne Deni oo maanta ku soo wajahnaa Garoowe, balse la xaqiijiyay in uu baaqday, kadib markii la xalliyay arrintii mooshinka.