Bannaanbaxyo looga horjeedo xukuumadda cusub oo ka dhacay Israa’iil

ISRAAIL – (WARSOOR) – Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka ,iyafoo ka ashtakoonaya qorshaha  xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo la tilmaamay I uu  halis ku yahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.

Dibad-baxayaasha isugu soo baxay magaalada Tel Aviv ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Dimuqraadiyadda oo khatar ku jirta” iyo “Wadajir ka dhan ah faashistaha iyo midab-takoorka”.

Dibadbaxaasi waxaa hogaaminayay garabka bidix iyo xubno Falastiiniyiin ah oo ka tirsan baarlamaanka Israel, Knesset.

Dadkaasi ayaa dhaleeceeyay Wasiirka Cadaaladda Yariv Levin, kaas oo soo bandhigay wax-ka-bedelka muddada dheer ee dowladda iyo nidaamka garsoorka ee looga golleeyahay in lagu wiiqo Maxkamadda Sare ee dalka.