Bandaw lagu soo rogay caasimadda Bakistaan

PAKISTAN – (WARSOOR) – Dawladda waddanka Pakistan ayaa Jimcihii shalay dadweynaha ku nool caasimadda dalkaasi ee Islamabad iyo nawaaxigeeda ku soo rogtay bandow iyo tallaabooyin adag oo dhinaca adkaynta amaanka ah, waxaana gabi ahaanba goโ€™naa adeegga isgaadhsiinta telefoonnada.

Tallaabooyinkan ayaa ah kuwa lagaga hortagayo isku soo baxyo ay samaynayeen taageereyaasha Raโ€™iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Cimraan Khan, oo haatan ah hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Pakistan.