Ardayda Sannadka Ka Baxday Machadka Shaqaalaha Dawladda Oo Munaasibaddii Qalinjabinta Loogu Qabtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Xubno ka mida golaha wasiirada Somliland oo ay weheliyaan gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada iyo agaasime ku xigeenka macadka shaqaalaha dawlada ayaa ka qayb galay munaasibad loo qabtay dufcadii 9aad ee ka qalin jabisa mac-hadka tababbarka shaqaalaha dawlada, taas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibada ay ardaydaasi ku qalin jabinaayeen waxa ka qayb-galey wasiirrada wasaaradaha shaqo-gelinta, xannaanada xoolaha, gaashaandhiga, ciyaaraha, wasiir ku-xigeennada arrimaha gudaha, warfaafinta, gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada, maareeyaha madbacada qaranka, agaasime ku-xigeenka machadka shaqaalaha dawladda, waalidiin, ardayda iyo marti sharaf kale.

Agaasime ku-xigeenka machadka shaqaalaha dawladda Mustafe Axmed Maxamuud oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dufcadani tahay tii 9aad ee dhamaysata waxbarashada heerka koowaad, taas oo ay wadeen muddo saddex sanno ah, kuwaas oo bartay qaybaha maamulka magaalooyinka, xisaabaadka maaliyadda iyo maamulka iyo maaraynta, kuwaas oo tiradoo dhamayd 171 arday.

Waxa kale, oo agaasime ku-xigeenka machadka tababbarka shaqaalauhu uu ka hadlay in 21 kooras uu bixiyay machadka shaqaaluhu sannadkan, isla markaana ay u qorshaysan tahay in sannadka soo socda ay bixin doonaan 36 tababbar, kaas oo ay iska kaashan doonaan machadka shaqaalaha dawladda Somaliland iyo machadka Gimba ee dalka Gaana.

Guddoomiyaha hay’adda shaqalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka hadlay kaalinta ay hay’adda shaqaalaha iyo machadla tababbarada shaqaalaha dawladu kaga jiraan tayeynta, taabo-gelinta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha dawladda, waxaanu iftiimiyay in hadba sida shaqaalaha loo tayeeyo uu horumarka dalku ku dhisan yahay.

Guddoomiye Farxaan Aadan wuxuu ku dheeraaday heerka uu maanta marayo machadka tababbarka shaqaalaha dawladu, isaga oo hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda ka qalin jabisay machadka tababbarka shaqaalaha dawlada, waxaanu u soo jeediyay in aqoontii ay barteen ay ku dabaqaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Wasiirrada wasaaradaha shaqo-gelinta, gaashaandhiga, ciyaaraha, wasiir ku-xigeennada arrimaha gudaha, warfaafinta, maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland iyo Prof. Maxamed Mixile Boqore oo halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay ardaydaas ka baxday machadka tababbarada shaqaalaha dawlada Somaliland, waxaanay machadka tababbarka shaqaalaha dawlada ku amaaneen inuu yahay  mid daboolay baahidii aqooneed ee ay qabeen shaqaalaha dawladdu.

Gabagabadii waxa halkaas shahaadooyin lagu gudoon siiyey ardaydii dhamaysatay waxbarashada heerka koowaad ee machadka shaqaalaha, iyada oo abaal-marino la gudoon siiyey macalimiintii mudada dheer wax soo baraysay ardaydaas, waxaana xusid mudan in saddex arday oo ka mida dadka baahiyaha gaarka ah qaba lagu amaanay adkaysigii iyo dhabar adaygii ay muujiyeen mudadii ay waxbarashada wadeen.