ARAGTIDA HOR U-BAXSAD (Scape Forward Theory)

Aragtida Hor u-baxsadka waa fal laga dhax-heley fogaan-muuqashada nolosha qaar kamid ah bulshooyinka caalamka, gaar ahaan hoggaamadooda. Markii la doonayo in bulshada howl loo qabto oo lagu fashilmi, dabadeed hoggaankii uu quus ka istaago dhamays-tirka wixii laga sugayay, waxay isku deyaan in ay isla waddadii fadhiidka lagu noqdey in ay ku sii hoggaanshaan bulshada. Waxaanu garan-karnaa cadow kaa xoog wayn oo aad la dirireyso in aad dib u baxsataa goortii uu weerarku kugu xoogeysto, waayo waa geeri wixii aad sugtaa. Aragtidan ah hor u-baxsadka waxay inoo bidhaamineysaa xaalad middaas ka khatarsan oo hoggaamiyuhu oo raciyaddiisa ku riixayo. Inteynaan xaaladda cayimin, aynu isla eegno qeexidda ay culimadu saareen Hor u-baxsad.

Erey-bixinta jumladdan ayaa marka hore waxay u muuqan kartaa mid aanan macna wayn ku fadhin. Laakiin waxay xambaarsan tahay faham mug iyo miisaan u leh bulshada, kaas oo taabanaya gebi-ahaan dhinacyada nolosha. Wuxuu raad ku leeyahay dhaqaalaha, siyaasadda, dhaqanka, maamulka iyo ciidanka. Xilli nabadeed iyo xilli colaadeed ayay aragtidan ka muuqanaysaa xaaladaha kala duwan oo ay go’aamada ka qaadanayaan. Mararka qaarkood heer qofeed ayay aragtidu taabanaysaa. Sida caadadu tahay, hor u-baxsashada waxay dhacdaa goorta lagu sugan yahay xaaladaha adag ee qallafsan oo loo la’-yahay xal lagu soo af-jaro. Mararkaas ayaa hoggaanka bulshada ayaa qudhiisa wuxuu gaaraa in uu ku sugnaado quus iyo caal-waa.

Aragtida hor u-baxsadka ah waxaa markaas qaata kuwa xilalka sare haya, laakiin nafsad ahaan daciif ah oo ay ku adag-tahay in ay helaan dhiiranaan ay hal tallaabo dib ugu qaadaan si loo dhilqiyo guntiga adag oo la mari la’-yahay. Dabadeed laba tallaabo horey loo qaado. Tusaale-dhig waxaa ah goorta kubadda cagta la cayaarayo, oo ay koox weerar soo qaado. Haddii kooxda kale ay difaac adag xirato, kooxdii hore waxay ku dadaashaa in ay kubaddii dib u soo celiso. Ujeedku wuxuu yahay in la fur-furo difaaca kooxda labaad si loo helo meel horey looga socdo.

Hoggaamiyaha xaaladaha adag ku qaata go’aanka hor u-baxsadka, waa hoggaan ka cararaya masuuliyad iyo waajibaad ahmiyad u leh bulshada uu xilka u hayo, iyada oo bulshadii lagu riixayo mushkilad ka culus midda haysata. Waxaa kale oo hor u-baxsadku ay noqotaa hab dad kale lagu leexinayo khaladkii ama xumaantii ka dhalatay masuuliyad xumida jirta, iyada oo isla-markaas si caadifadeysan lagu dalbayo quluubta dadka caamada ah. Waa siyaasad ku saleysan ka baxsiga dheehashada xaqiiqda iyo sababaha dhabta ah ee dhibaato walba ay leedahay. Waxaa lagu qarinayaa go’aamada macquulka ah ee u baahan geesinimadii lagaga tallaabsan-lahaa mushkilado is dul-saaran ee bulshada haysta. Sidaa darteed hor u-baxsadku waa aragti dhaxalkeedu mar-walba uu ku dhamaanayo mushkiladihii jiray in ay mushkilado ku sii korodho.

Sida qaalibka ah, hor u-baxsadku wuxuu ka kharaj iyo taklufo badan yahay in gadaal loo tallaabsado oo tanaasul lala yimaado. Tusaale wanaagsan ee taariikhda aadamiga waxaa ah mashruucii is-qarxinta ee ciidamada Jabaan ay ku dagaal-galeen dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Mashruucaas oo ay ugu magac-dareen (Kamikazi) wuxuu ahaa, saraakiisha Jabaan ee ku duulaya dayuuradaha dagaalka in iyaga iyo dayuuradohooda ay ku dhacaan saldhigyada iyo maraakiibta ciidamada Mareekanka. Ereyga Kamikazi ayaa macnihiisu wuxuu yahay Dabaylihii Ilaahiyada. Magacu wuxuu ka soo jeedaa qarnigii 13-aad markii Mangoolka ay xoogganaayeen ayay damceen in ay Jabaan ku duulaan. Laba guluf oo ay u direen, ayaa ciidankoodii iyo doonyihii ay saaraayeen waxaa bur-buriyay dabaylo ku kacay. Dabaylahaas ayaa Jabaanku waxay ku magacaabeen (Kimikazi) oo ay ula jeedeen kuwo xagga Eebe uga ciidamiyay.

Dabayaaqadii dagaalkii II-aad, goortii ay Jabaanku ku tabar-yareeyeen bad-waynta Basifigga oo ay Mareekanku ku dirirayeen, waxay la soo baxeen taktikadan is-qarxinta ah. Sarkaal uga masuul ahaa colaadihii bad-waynta Baasifigga ayuu ahaa ninka ku taliyay fikraddan is-qarxinta ah. Admiral Takijiro Onishi (1891 -1945), markuu arkay in laga saada-calaynayo, wuxuu ciidankiisii ugu khudbeeyey:

” Ra’yigeygu wuxuu yahay, waddo keliya ayaa jirta oo ciidankayaga tabarta daran ay ku noqon karaan kuwo heerka ugu sareeya ay ku fal-geli karaan. Taasina waa in la hagaajiyaa kooxo weerar oo is-qarxiya ”.

Markaas ayaa la dhisey unugyadii ugu horeeyey ee ciidanka cirka ah oo muhimaddan fuliya. Dayuurad walba waxaa la saarayay culeys walxaha qarxa oo gaarsiisan 250 kg. Dayuuradahaas ayaa iyaga oo xawaare ku socda waxay ku dhacayeen gaadiid walba oo cadowgu leeyahay. 3,000 oo duuliye oo Jabaan ah ayaa ku dhintey mashruucaas. Dhaawaca ay geysteen waxay gaarsiisneyd 47 markab ayay dejiyeen. 7,000 oo cidan ah ayaa ku dhintey, kuwaas oo isugu jira Mareekan, Ingiriis iyo Australian. Mashrucan is-qarxinta ah waa tusaalaha ugu wanaagsan oo inoo sheegaya hor u-baxsadka in uu leeyahay weji aanan ahayn midka muuqda oo dadka ku riixaya in ay qaataan. Wejigaas aanan muuqan wuxuu yahay anshaxa ku lammaanan ee laga dhaxlayo hoobashada iyo guuldarrida bilaa natiijada ah. Dareenka quusashada ah ee qofka hor u-baxsadka ah waa mid uu ku qarinayo guddoonka uu qaatay oo ah in uu isku-xukumo fashil, ciidankiisana uu ku xukumo fashil. Goorta qofka hoggaamiyaha ah uu ku fashilmo waajibkiisa, wuxuu ku dadaalaa hor u-baxsadka in uu ku qariyo ceebihiisa. Isaga oo ku dadaalaya in uu eedeeyo cid kale si loola wadaago natiijada fashilka.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com