Aqoonyahanka Beesha HJ oo mar kale Buux dhaafiyay Guriga Gudoomiye Xirsi ee Hargeysa, kuna Biiray WADDANI!!.

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Musharraxa madaxweynaha xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoyga guddoomiyaha kulan balaadhan kula qaatay dhalinyaro aqoonyahan iyo haween kaso jeeda gobollada togdheer sool iyo saaxil ee beesha maxamed yoonis ee habar jeclo

Waxgaradka Beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan

Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda.Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda.