LONODON –ย (WARSOOR) – Madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa kala hadlay Masar iyo Qadar wadahadalada xabbad-joojinta ee Gaza ka socda, isagoo si gaar ah telefoon kula xiriiray madaxa sirdoonka Masar Abbas Kamel iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, sida ay qortay Reuters.
Bayaan ay soo saartay Xamaas Khamiistii ayaa lagu sheegay in wafdi lagu wado inay dhawaan tagaan Masar, si ay wadahadallo xabad joojin ah uga yeeshaan dagaalka Gaza.