Hargaysa-(WARSOOR)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Masuuliin ka socotay Haayadda WFP, Kulankan ayaa agaasimaha waxaa ku Wehelinayay qaar ka mid ah Agaasime waaxdeedayda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Madax qaybeedyo, iyo Masuuliin kale.
Kulankaasi waxa uu daaranaa falanqayn sii daba Socota Sidii Wasaaraddu ula wareegi lahayd Barnaamijyada WFP Wasaaradda kala shaqayso iyadoo laga bilaabayo dagmada Hargaysa si is daba joogana Wasaaraddu u la wareegi doonto dhamaan dalkoo idil Mashruucda ka soca.
Agaasimaha guud ayaa markuu kulanku soo dhamaaday uga Mahadceliyay masuuliinta kasoo qaybgashay kulankan isagoo hoosta ka xaqiiqay inay lagama maarmaan tahay in la joogteeyo kulamada Noocan oo kale ah.