Munaafaqnimadu waa astaan qarriban oo dhaawac halis ah u gaysata iimaanka qofka muslimka ah. Si cad ayuu qur’aanku u bayaamiyey in munaafiqiintu ay gelayaan naarta halka ugu hoosaysa, is la markaana nebigeenna suubban ee Muxammad (NNKH) is na aad buu uga hadlay xumaanta munaafaqnimada.
Haddaba, si aad wax badan uga ogaato munaafaqnimada iyo astaamaheeda, in aad ka badbaaday iyo in kale waxa aad daawataa muxaadaradan kooban ee sheekh Maxamed Cabdi Ummal uu qodob munaaqfaqnimada kaga hadlayo.
Waana qodobkeennii todobaadlaha ahaa ee wacyiglinta diinta islaamka ee aad kala socotaan MIDHAHA DIINTA.
Daawasho wacan oo ku camal-fal fiican.