Muqdisho – (warsoor) – Waxaa hadda aad loo diyaariyay goobta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha oo ku taala xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni.
Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga doorashada, iyadoo ammaanka si wayn loo adkeeyay.
Ciidammada dowladda ayaa xiray haatan inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho xili duqa Muqdisho uu horay u sheegay maalinta doorashada ay dhacayso iyo maalinta ka horaysa in magaalada oo dhan ay xirantahay.
Xigasho: SONNA