Jaban – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegay in Ruushka iyo Jabaan ay bilaabeen waddahadlo la xidhiidhka dhul ay labada dal isku haystaan labada dalka oo heshiis ku meel-gaadh ay isla saxeexdeen dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.
Ra’iisal Wasaaraha Jabaan Shinze Abe iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wadda bilaabay waddahadalo ay dib ugu raadinayaa sidii ay heshiis uga gaadhi lahaayeen jasiirad ay labadan dal isku haysteen tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka oo u hadda maamulo Ruushku balse ay lahaanshaheeda sheegtaan Jabaan.
Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavron ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha Ruushku uu go’aamiyey in dib loo bilaabo wadahadala amaanka ee u dhexeeyey Ruushka iyo Jabana kaasi oo ay kawada hadli doonaan Wasiiradda Arimaha Dibadda iyo kuwa Difaaca ee labadda dalka.

Waddahadaladan ayaa bilaabmaya ka dib markii ay hakadeen murankii ka dilaacay gobolka Crimea 2014, waxaanay murankaasi keenay in waddamada reer galbeedku ay ruushka cuno-qabateenaan.
Wasiirk Arimaha Dibadda Ruushka Lavrov oo ka hadlay kulanka dhex maray labada dhinac ayaa yidhi, “Ra’iisal Wasaaruhu si fiican ayuu uga falceliyey, waxaanan rajaynayaa in laga gaadhi doono go’aan”.
Labada dal ayaa laga filayaa inay heshiisyo ka gaadhana dhinacyads iskaashiga dhaqaalaha ee la xidhiidha tiknoolajiyadda caafimaadka iyo tamarta.