Kuuba – (warsoor) – Hogaamiyihii hore ee Kuuba Fidel Castr ayaa xalay ku geeriyooday magaalo madaxda dalkaasi ee Hafaana, sida laga shaaciyey xalay Telefishanka dawladda.
Fidel Castro oo ahaa hogaamiyihii dhisay dawladda Shuciga ah ee Kuuba, waxaan muddo 50 sanadoood ah Maraykanku isku dayaayey inuu xukunka ka tuuro hogaamiyahan.
Fidel Castro ayaan tan iyo 2006 la halgamaayeye xanuun kaga dhacay kaadi-mareenada.
Fidal Castro ayaa xukunka dalkaasi ee uu hogaaminaayeye muddada Nus qarniga ah, waxa uu xukunka dalkaasi ku wareejiyey walaalkii oo ka yar Raul Castro 2008.
Raul Castro oo ka hadlay Telefishanka Dawladiisa ayaa yidhi, “Caawa oo ay saacadu tahay 10.29 waxaa geeriyooday Taliyihii ugu sareeyey Kacaanka Kuuba Fidel Castro”.
Madaxweyne Raul ayaa wax tafaasiil ah ka bixin sababta dhimashadiisa.
Waxaa gabi ahaanba haawanaayey wadooyinka waaweyn ee caasimadda Kuuba ee Havana, waxaanayn dadweynaha dalkaasi aad ugu murugaysan yihiin dhimashada hogaamiyahoodii geeriyooday.
Fidal Castro ayaa xukunka Kuuba la wareegay 1959, waxaanu dalkaasi muddo 49 sanadood ah ku maamulaayey gacan bir ah. Fidel ayaa dalkaasi ka sameeyey nidaamka halka xisbi ah, waxaanu xudun- dhexaad u noqday dagaalkii qaboobaa ee xiliyadaasi ka socday caalamka.
Fidel Castro ayaa xulafo dhow lahaa Ruushka. Maraykanka ayaa marar badan isku dayey inuu xukunka ka tuuro iyo inuu khaarajiyo, balse uu ku guul daraystay.
Kuuba ayaa gantaal ku riday dalka Maraykanka 1962, kaasi oo ay ka caawisay dawladdii Ruushku, waxaanay taasi sababi gaadhay in dagaal Nuclear ahi uu bilaabmo.