Hargeysa โ (warsoor) โ Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta markii ay dhamaatay doorashadii musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waxaa uu khudbad mahadnaq iyo balan-qaadyo ah ka jeediyey madasha.
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI ayaa uga mahadnaqay xubnaha xisbiga WADDANI ee doortay isaga iyo musharixiisa madaxweyne ku-xigeenka. Waxaanu sheegay inuu dalka u dhaqaajin doono jiho kale oo siyaasadeed.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa khudbadiisa si gaar ah ugu mahadnaqay gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed.
Halkan Ka Daawo Khudbadii Cabdiraxmaan Cirro: