Soomaaliya โ (warsoor) โ Weerar iskugu jiray qarax gaadhi iyo rasaas ayaa ka dhacay magaaladda Afgooye ee koonfurta Soomaaliya, waxaana ku dhintay 11 qof, qaraxan oo dhacay Salaasadii.
Qaraxan dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa saraakii iyo shaqaale dawladda ka tirsanaa, tiradda dhimashadda ayaa kor u kacday.
Dabaylay hubaysan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa weeraro dhimasho oo isdaba joog ah ka fulisay Soomaaliya waxaanu qaraxyo gaadhi ku fuliyeein saldhig boolis, halka ay dabaylay kale oo rasaas ooda kaga qadeen ciidamadda Amaanka.
Gudoomiyaha degmadda Afgooye oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi, โWaxaan qaraxan ku dhintay 11 qof oo ay ku jiraan ciidamada booliska iyo shaqaale kale oo ka tirsan dawladda.
Magaaladda Afgooye ayaa koonfurbari kaga began caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaanay u jirtaa masaafo jirta 30KM (20 Mayl).
Gudoomiyaha degmadda Afgooye Cabdinaasir Macalin ayaa sheegay in saldhigan Boolis ee qaraxa lala eegtay ay maal-galisay dawladda Imaaraadka Carabtu, waxaanu sheegay inuu burburay gabi ahaantiis.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in xaaladda Amaanka ee degmadda Afgooye ay hadda dagan tahay oo ay ciidamadda dawladdu ay si buuxda amaanka magaaladda gacanta ugu hayaan.