Jubbaland – (warsoor) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka bilaawday dhageysiga khudbadaha xubnaha murashaxiinta u taagan xilka Aqalka Sare ee maamulka Jubbaland.
Murashaxiinta ayaa haatan waxa ay khudbadahooda ka hor jeedinayaan mudanayaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland, si ay u soo bandhigaan waxqabadooda ku aadan gudashada waajibaadkooda Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.
Bari oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19/10/2016 ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Jubbaland ay doortaan xubnaha Aqalka Sare umatalaya dowlad goboleedka Jubbaland.
Xigasho: sonna