๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ๐š๐š๐ฅ ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐š๐ก ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐š๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ค๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

Muqdisho – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur wadareed ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, taasi oo muujinaysa horumarka amni ee ka hirgalay caasimadda Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoog badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, isaga oo uga mahadceliyay bulshada caasimadda sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen heyโ€™adaha amniga ee suurageliyay in caawa nabad loogu afurayo suuqa Bakaaro.

Mudane Xamsa ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ku hawlan tahay qabashada doorashooyinka dowladaha hoose iyo sidii guud ahaa dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod, si shacabku ay u soo doortaan cidda hoggaamineysa, ulana xisaabtami karaan, taasi oo ah xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.