HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku booqday, mid midna u dul istaagay askar ka tirsan geesiyaada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidamada Madaniga ah ee dhawaan ku dhaawacmay hawlgalladii ugu dambeeyay ee difaaca Qaranka ee ka dhacay Degmada Buq-dharkayn.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu mid-mid ula kulmay askarta dhaawacantay isaga oo u kuur galayay xaaladda dhaawacyada ay qabaan ciidamadu, taasi oo ay dhakhaatiirta gacanta ku haya askarta dhaawacantay ay Madaxweynaha xog warran guud ka siiyeen xaaladooda.
Madaxweynuhu waxa uu askarta dhaawacantay ku ammaanay geesinimadooda, naf-huridda iyo dadaalka aan kala goโa lahayn ee ay hadh iyo habeenba ugu jiraan si ay u difaacaan dalka, dadka iyo diintaba.
Madaxweynaha ayaa sida oo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Cisbitaalka iyo Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Qaranka ka dhegaystay xog warran la xidhiidha qaabka uu u socdo daryeelka Ciidamada dhaawacmay xag Caafimaad iyo xag nololeedba.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa ay hoosta ka xariiqaysaa abaalka iyo mahad-celinta qotada dheer leh ee uu Qaranka u hayo geesiyada Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Madaniga ah, taasi oo muujinaysa sida ay Xukuumad ahaan uga goโan tahay in ay hiil iyo hooba la garab istaagto muddada ay ku jiraan ka soo kabashada dhaawacyada, isaga oo Madaxweynuhu Allah SWT uga baryey in uu caafimaad siiyo una booga-dhayo.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐